Machad Afrikaan ah oo daraasad cusub oo uu soo saaray ku odorosay mustaqbalka Soomaaliya.

Monday July 28, 2025 - 17:59:45
Liibaan Jeexoow
Waxa loogu yeero Institute for Security Studies Africa, oo la soo gaabiyo ISS Africa, oo ah machad diiradda saara arrimaha amniga ee qaaradda Afrika oo fadhigiisu yahay magaalada Pretoria ee caasimadda maamulka Koonfur Afrika, ayaa soo saaray daraasad uu ku sameeyey kooxda Villa Somaliya ee jarka ka lulata iyo awoodda sii bullaalaysa ee xoogagga Al-Shabaab.
Daraasadda oo soo baxday maanta oo Isniin ah ayaa lagu faahfaahiyey guuldarrada ay wajahayso kooxda Villa Soomaaliya iyo awoodda sii ballaaranaysa ee jihaadiyiinta Al-Shabaab oo dib ula wareegay ayay tiri degaanno badan oo muhiim ah, isla markaana ku sigtay in dharaar cad ajasha dhaafiyaan Xasan Gurguurte.

ISS Africa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay haatan qarka u saaran tahay in ay u gacan-gasho jihaadiyiinta Al-Shabaab, xilli hoos u dhaca ku yimid taageeradii dibadda ee ka iman jirtay AU iyo UN, ay abuuri karto firaaq amni.

Machadku wuxuu xusay in Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay ka dhawaajiyeen in ay ka walaacsan yihiin awood-darrida sii kordhaysa ee kooxda Villa Soomaaliya, iyo weliba muranka siyaasadeed ee hareeyey.

Warbixintu waxay tilmaantay in guul-darro iyo fashil ay kusoo idlaadeen duullaankii muddada dheer socday ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya oo qayb ay ka ahaayeen dalalka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Maraykanka, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, iyo waddamada deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya.

Institute for Security Studies Africa waxa uu ka sanqariyey in tabar-yaraanta xad-dhaafka ee ku habsatay kooxda Villa Somaliya laga yaabo in ay soo dedejiso in mujaahidiintu ay isku fidiyaan dhul ballaaran oo hor leh, lana wareegaan magaalooyin kale oo waaweyn.

Horumarka ay jihaadiyiintu ku tallaabsanayaan ayuu ISS Africa sheegay in ay ka dhalan karto in si buuxda ay gebi ahaanba ula wareegaan dalka Soomaaliya, isla markaana ay noqdaan maamulka ugu awoodda badan mandiqadda oo dhan, maadaama ayuu yiri aysan jirin awood siyaasadeed iyo maamul xooggan oo ka hortagi kara saameynta mintidiinta Al-Shabaab.

Daraasaddan uu soo saaray machadkan Afrikaanka ah ayaa daba socoto warbixinno iyo daraasado si isdaba-joog ah ay muddooyinkan dambe u soo saarayeen hey'ado iyo warbaahinno waaweyn oo reer-galbeed ah, kuwaas oo dhammaantood isugu biyo-shubanayay in ifafaalaha kasoo muuqda Soomaaliya uu u egyahay midkii Afganistan oo kale markii ay la wareegayeen jihaadiyiinta Daalibaan.

Related Items

Update cookies preferences