Soomaaliya oo doonaysa in ay heshiis dhanka badda ah la gasho Shiinaha

Thursday July 31, 2025 - 07:04:27
Liibaan Jeexoow
Maamulka Federaalka ah ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa sida wararku sheegayaan bilaabey in uu heshiis dhinaca amniga badda ah la galo dalka Shiinaha.
Shiinaha ayaa shaaciyey in ay la kulmeen saraakiil ka tirsan ciidanka Badda soomaaliya kuwaas ii ay ka wada hadleen ilaalinta amniga biyaha Soomaaliya.

Tan ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka goonni-goosadka ah ee la baxay Somaliland uu heshiis dhanka badda ah la galey maamulka aan wali aqoonsiga helin ee Taiwan.

Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Hargeysa iyo Taybii ayaa aad uga caraysiiyey Shiinaha.

Safaaradda Muqdisho ee Shiinaha oo soo saartey warsaxaafadeed luuqad adag ku qornaa ayaa hanjabaad u direy maamullada Somaliland iyo Taiwan isla markaana ku tilmaantey maamullo kala hoostaga Shiinaha iyo Soomaaliya.

Geesta kale Taiwan iyo Somaliland ayaa jawaabo kala duwan ka bixiyey warsaxaafadeedka eedaymaha xambaarsan ee Shiinaha.

Somaliland waxay sheegtay in aanay wax dembi ah ka gelin Shiinaha balse dantooda ay ka shaqaynayaan.

Related Items

Update cookies preferences