Kooxda Villa Somaliya oo magac-beddel ku samaysay SSC-Khaatumo.

Thursday July 31, 2025 - 07:00:53
Liibaan Jeexoow
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ugu dambayn ku dhawaaqday magaca cusub ee loo bixin doono maamulka cusub ee SSC-Khaatumo kaas oo loo beddelay Waqooyi-Bari State.
Maamul dhiska qaybo kamida Sool iyo Sanaag ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay Federaalku u qabteen shir lagu dhammaystirayo.

Waxa xusid mudan in aan maamulkani joogin gobolka Sanaag kaas oo ay ka taliyaan badankiis maamullada isku magacaabey Somaliland iyo Puntland.

Isimmada dhaqanka ee Maakhir iyo Khaatuma ayaa ka soo horjeestay shirkaas maaddaama oo ay u arkeen in cid gaar ah la jujuubayo.

Cali Xoosh oo kooxda Federaalka ugu magacaaban Wasiirka Gudaha ayaa ku dhawaaqey maamulka iyo caasimaddiisa.

Maamulkan ayaa noqonaya mid lamid ah kuwii shisheeyaha u caynsanaa ee horay uga jirey Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences