Jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Banaadir ayaa habeennimadii xalay weerar qarax ah ku miray maleeshiyaadka Xasan Sheekh Maxamuud.
Qaraxan ayaa lagu bar-tilmaameedsaday bar-kantarool oo maleeshiyaadkaasi ay ku leeyihiin xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Geesta kale faah-faahin dheeriya ayaa kasoo baxday dagaallo shalay galab ka dhacay deggaan lagu magacaabo Buubiso oo qiyaastii 6KM u jira magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Dagaalladan ayay jihaadiyiinta Al-Shabaab cashar lama illaawaan ah ugu dhigeen maleeshiyaadka uu ku adeegto Xasan Gurguurte.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan dagaalladaasi lagu dilay 4 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, 23 kalena lagu dhaawacay.
Magacyada qaar ka mida askarta la laayay oo aanu helnay ayaa kala ah, Xasan Faarax Guuleed oo ahaa gacan-yarihii Cali Jeyte. Waxa kaloo ka mida Cali Makaraan Dhicisow iyo Jeelow Xasan Caato.
Sidoo kale magacyada qaar ka mid ah maleeshiyaadkii lagu dhaawacay dagaalkan oo aanu helnay ayaa kala ah Cabdi Nuur Garcadde, Maxamed Cumar Xasan Dhuxulow, Cabdi Cali Garcadde, Maxamed Daahir Dangiid, Fidhig Cali Hagar oo ah sarkaal iyo Garaar Xasan Gaarodi.
Dagaalkan ayaa sidoo kale lagu gubay gaari noociisu ahaa NOAH oo la xaqiijiyey in uu lahaa Cali Jeyte, kaas oo gacan-yarihiisii gaarka ahaana dhegta dhiigga loo daray.