Waxaa faahfaahin dheeriya ay kasoo baxday hawl-galkii naf-hurka ahaa ee shalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Weerarkan oo uu fuliyey jihaadi ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayuu ku beegsaday kolonyo huwan ah oo ay la socdeen ciidamo Afrikaan ah, gaar ahaan kuwa Uganda.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in hawl-galkaasi lagu khaarajiyey ugu yaraan 14 askari oo Ugaandhiis ah, kuna jiray sarkaal sare iyo 6 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte.
Sidoo kale hawl-galkan waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 7 askari oo Ugaandhiis ah. Waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu gubay tiro gaadiidka gaashaaman ah oo ay wateen ciidamada Uganda.
Noocyada gaadiidkan ayay xogtu tibaaxaysaa inay kala ahaayeen Gaari gaashaaman oo Taangi/Kaare ah, Gaari Tow ah iyo baabuur Kaare-xambaar ah.
Waxa kale oo ay wararku tibaaxayaan in weerarkaasi ay waxyeello xooggan gaarsiisay gaari kale oo Kaare/Taangi ah oo ay wateen ciidamada Uganda.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: