Ugu yaraan 12 askari oo Turkish ah ayaa dhintay ka dib markii ay la kulmeen gaaska loo yaqaan methane, xilli ay socdeen howlgalo baaritaan ah oo laga sameeyay god ku yaalla waqooyiga Ciraaq, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Turkiga.
War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in arrintani ay dhacday maalintii Axadda ee la soo dhaafay, xilli ciidanku uu ku guda jirey hawl-gal lagu baadi-goobayay myadka sarkaal Turki ah oo lagu dilay hawl-gal millateri oo ka dhan ah ururka shaqaalaha Kurdistan ee PKK.
Intii lagu jiray baaritaanka, 19 askari ayaa neefsaday gaaska Methane oo heerka ay wax ku dili kartaa uu aad u sarreeyey, taas oo keentay in shan ka mid ah ay isla markiiba geeriyoodaan, halka askarta kalena loola cararay cisbitaalka si ay u helaan daryeel caafimaad.
Ilaa subaxnimadii Isniinta, toddobo askari oo kale ayaa u geeriyooday sunta Methane oo ur iyo midab toona aan lahayn, taas oo loo yaqaan "Dilaaga aamusn”, waxaanay dhakhaatiirtu ay weli la tacaalayaan daaweynta askarta kale ee dhaawacantay.
Godkan ayaa ku yaalla buur dhererkeedu yahay qiyaastii 852 mitir, waxaana aaggaasi ka dhisnaan jiray cisbitaal ay isticmaali jireen dagaalyahannada Kurdiyiinta PKK, ka hor inta aysan ciidamada Turkiga u suurtagelin in ay qabsadaan, kuwaas oo hawl-gallo millateri ka waday gobolkaasi.
Intii lagu gudo-jiray baadi-goobka maydka sarkaalkan Turkiga ah oo lagu magacaabi jiray Nuri Melih Bozkurt, oo bishii May 2022 u dhintay rasaas ay ku fureen kooda PKK, ayaa ciidamada Turkigu ay awoodi waayeen inay soo saaraan maydkiisa, iska hor’imaad xooggan oo dhacay awgeed.
Dagaalkan culus ee dhex-maray labada dhinac ayaa sababay in gudaha godka ay kasoo qubato gaaska Methane, taas oo keentay in xubnihii ilaalada ka ahaa ay la kulmaan neef-qabatin, waxaana si degdeg ah u soo faro-geliyey kooxa gurmadka.
Askarta dhaawacantay ayaa la dhigay cisbitaalka dowladda ee gobolka Hakkari ee koonfurt-bari ee Turkiga. Waxaanay kooxaha gurmadku ay sii wateen shaqadoodii gudaha godka, iyagoo filaya in ay jirto Gaas dheeri ah ama shaqsiyaad maqan oo weli aan la helin.
Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in maleeshiyada PKK ay xireen albaabada laga galo godka ka hor inta aysan ka bixin, ama albaabada laga soo galo lagu xiray duqeymo, taasoo keentay in gaaska uu ku ururo godadkooda muddo bilo ah, waxaanay u muuqataa dabin loo dhigay ciidamada Turkiga.
Bishii April 2022-kii ayay ahayd markii Turkigu uu waqooyiga Ciraaq ka bilaabay ol’ole millateri oo ka dhanka ah dagaalyahannada Kurdistan ee PKK, kuwaas oo 2020-kiina lagu khasbay inay ka baxaan dhulka Turkiga una guuraan dhulka buuraleyda ah, gaar ahaan buuraha Qandil.