Wararka ka imaanaya xeebaha wadanka Yemen ayaa sheegaya in dagaalyahannada Xuuthiyiinta ay burburiyeen markab laga leeyahay wadamada reergalbeedka kaasi oo sahay usiday Yahuudda Sahyuuniyadda ee xasuuqa ka wadda magaalada Qaza.
Yaxye Sariic oo ah afhayeenka melleteriga xukuumadda Yemen ka dhisan ee fadhigeedu yahay magaalada Sanca ayaa bayaan uu soo saaray ku faah faahiyay howlgal muhiim ah oo ka dhacay biyaha badda Cas kaasi oo lagu quusiyay markab weyn oo kusii jeeday dekadda magaalada Um Rash-raash ee dhulka Falasdiin balse Yahuuddu gummeysato.
"Ciidanka xoogga ee Yemen ayaa quusiyay ganacsi oo ay laheyd shirkadda Intaarnati-sii, xilli uu ku wajahnaa dekadda Umu Rash-raash ee gummeysiga Yahuudda ku jirta, weerarka markabka waxaan u adeegsanay Doomo Daroonis ah,sawaariikhda Baalistiga iyo gantaallo badeedyo"ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Yemen ee Xuuthiyiinta taabacsan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in si kaamil ah uu uquusay Markabkan ku wajahnaa Yahuudda waxayna Xuuthiyiintu qafaasheen oo ay gacanta ku dhigeen dhammaan shaqaalihii la socday oo gaarayay 15 ruux sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.
Ugu yaraan 4 kamid ah shaqaalaha Markabka ayaa ku dhintay weerarka ay Xuuthiyiintu ku quusiyeen markabkan, ugu dambeyn Yaxye Sariic wuxuu goodis u diray dhammaan maraakiibta shisheeye ee isku daya in ay jebiyaan go'doominta dhanka badda ah ee ay kusoo rogeen Yahuudda.
"Weerarkan iyo kuwa la midka ah waxay aargud u yihiin shacabka Falasdiin ee Sahyuuniyaddu ku xasuuqayaan magaalada Qaza". ayuu yiri Yaxye Sariic.
Waa weerarkii ugu xooganaa ee ay lakulmaan gaadiidka badda ee sahayda udaad gureeya Yahuudda tan iyo markii uu billaawday cudwaanka Qaza iyadoo ay xusid mudantahay in tobaneeyo weerar oo nuucaan ah ay horay uga dhaceen xeebaha Yemen.