Maleeshiyo taabacsan maamulka Abiy oo weerar qorshaysan ka fulisey gudaha Suudaan.

Wednesday July 09, 2025 - 10:43:57
Liibaan Jeexoow
Maleeshiyaad Itoobiyaan ah oo ay taageerayaan ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa weerar qorshaysan ka fuliyey gudaha dalka Suudaan dalka Suudaan, sida ay tebisay Sudan Tribune oo safka hore kaga jirta warbaahinta maxalliga ah ee dalka Suudaan.
Dhul-beereed barwaaqo ah oo ku yaalla gudaha Suudaan ayaa lagu soo warramayaa in maleeshiyaadkan Itoobiyaanka ah ay beegsadeen, kuwaas oo dhibaatooyin u geystay dadkii beeraleyda ahaa, sida uu sarkaal sare oo reer Suudaan ah u sheegay warbaahinta. Waxaanu intaa raaciyey in maleeshiyadu ay ka faa’idaysanayso colaadaha ka aloosadan gudaha Suudaan.

Deggaannadan beeralayda ah ayaa ku dhow soohdin-beenaadka labada dal, waxaana ka mida deggaanka Al-Fashqa ee gudaha Suudaan oo muddo dheer ay ku muransanayd Itoobiya. Waxaanu dhaqdhaqaaqan cusubi uu halis gelin karaa deggaannadaasi, iyadoo ciidanka Suudaan ay dib ugu gurteen aaggaasi sababo la xiriira dagaallada ka holcaya gudaha Suudaan.

Mubaarak Al-Nuur oo ah ku-xigeenka guddida isku-xirka bariga Suudaan oo la hadlay warbaahinta Suadaan Tiriibiyoon ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka Itoobiya ay duullaan cusub ku qaadeen deggaanno dhaca gudaha Suudaan oo horey looga saaray ciidanka Xabashida Itoobiya.

Mas’uulkan oo horeyna uga tirsanaa baarlamaanka Suudaan ayaa sheegay in maleeshiyaadka Itoobiya oo kaashanaya ciidanka millateriga ee maamulka Abiy Axmed ay xaalufin ba’an ku hayaan deggaannadaasi, kadib markii ay halkaas ka saareen beeraleyda Suudaan.

Duullaankan cusub ayaa sii kordhiyey walaaca amni ee ka taagan xuduud-beenaadka labada dal, iyadoo arbacadii lasoo dhaafayna ganacsato ku sugan magaalo dhacda deggaannadaasi oo la dhaho Al-Qalabaat ay koox hubeysan oo Itoobiyaan ah soo wareerareen, kuwaas oo si gaar ah u beegsaday sayladda xoolaha, ka dibna ay halkaasi ka dhaceen xoolo fara badan.




Related Items

Update cookies preferences