Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa muddo ku dhow sannad kaddib soo magacowdey safiirka cusub ee u fariisan doona Soomaaliya.
Suleymaan Dedefo Woshe ayaa noqon doona safiirka cusub ee Itoobiya u joogi doona Muqdisho.
Safiirkan waxa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey Wasiirka Dibedda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi.
Firaaqa diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabmey October 2024, kaddib markii Soomaaliya eriday safiirkii Itoobiya ee fadhigiisu ahaa Muqdisho.
Khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa salka ku hayey MoU-gii bilowgii sannadkii ina dhaafey uu Muuse Biixi la galey Abiy Axmed.
Khilaaf socday muddo sannad ku siman ayaa Turkigu isku dayey in uu dhex dhexaadiyo labada dhinac.
Heshiis dhacey bishii December 2024 ayaa lagu qabtey dalka Turkiga gaar ahaan Ankara waxa aan ka dhalan isfaham buuxa balse xaaladda ayaa degtay.
Safiirka cusub ee Itoobiya u magacowday Soomaaliya Ambs, Suleymaan Dedefo, ayaa sida la ogyahay qadiyadda Somaliland taageero u ah.