SAWIRRO: Qaraxyo lagu xasuuqay maleeshiyaadka Alpha Group + weerarrro xalay ka dhacay Buurdhuubo, Lafoole & gobolka Lamu.

Wednesday August 06, 2025 - 07:12:21
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya qaraxyo culus oo galabnimadii shalay lagu beegsaday maleeshiyaadka loo yaqaan Alpha Group oo qayb ka ah jawaasiista NISA.
Maleeshiyaadkan ayaa lagu beegsaday duleedka Afgooye, waxaanay qaraxyadani haleeleen labo gaari oo Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 9 askari, kuwaas oo qaar ka mid ah hilbahooda ay duurka ku kala firdheen.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in haraadigii maleeshiyaadka ee qaraxyadaasi ay horey u jiiteen mid ka mid ah baabuurtii la qarxiyey, halkii gaarigii kale iyo weliba agab ciidan ay isla goobtii kaga tageen.

Al-Kataa’ib ayaa isla xalayba baahisay sawirrada maleeshiyaadkaasi la xasuuqay, kuwaasi oo laga dheehan karo sida ay qaraxyadaasi ay jirkooda u jarjareen.

Qaybo ka mida sawirrada halkan ayaanu idinkula wadaagaynaa inta kalena waxaad kaga bogan karaan telegramkan: https://t.me/+4-K7K6pIltM4NmNk

Gobolka Shabeellaha hoose, Jihaadiyiinta Al-Shabaab waxay geesta kalena habeennimadii xalay hawl-gal qarax ah ka fuliyeen deggaanka Lafoole.

Hawl-galkan oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday fariisin ay maleeshiyaadkaasi ku sugnaayeen, ayaa lagu khaarajiyey ugu yaraan 2 askari, halka 3 kalena lagu dhaawacay.

Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya waxaa isna habeennimadii xalay ka dhacay qarax ay jihaadiyiintu ka fuliyeen gudaha degmada Buurdhuubo.

Qaraxan oo lagu beegsaday guriga guddoomiyaha maamulka degmadaasi ninka lagu magacaabo Xasan Maxamed Cali ayaa lagu dhaawacay 1 askari oo ilaalo u ahaa guddoomiyaha.

Gobolka Jubbada hoose, waxaa faahfaahin dheeriya ay kasoo baxaysaa qarax shalay xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen afaafka hore ee xerada ciidamada Kenya ee degmada Afmadow.

Inta la xaqiijiyey qaraxan waxaa ku naf-waayay 1 sarkaal oo Kenyaati ah, waxaana ku dhaawacmay 2 askari oo iyaguna ka tirsan ciidamada Kenya.

Gobolka Lamu ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya, waxaa isna ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Mararaane.

Related Items

Update cookies preferences