Kadib howlgalladii xooganaa ee bilihii lasoo dhaafay ay ciidamada mujaahidiintu ka wadeen gobolka Hiiraan ee lagu xureeyay dagmooyinka iyo deegaanad farabadan ayaa waxaa qalqal xoogan uu soo wajahay ciidamada dowlada ridada Jabuuti ee qeybta ka ah isbihaysiga kufaarta Afrikaanta.
Kornayl Cabdiraxmaan Rayaale oo ah taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada Afrikaanta AUSSOM ayaa socdaal ku maray qaar ka mid ah saldhigyada ciidanka Jabuuti ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Ninkan oo kulan la qaatay ciidanka ka socda dowladiisa ayaa cabsi xooggan ka muujiyay awoodda Al-Shabaab isaga oo ciidamada Jabuuti ee ku sugan saldhigga Jalalaqsi kula dardaarmay in ay feejignaan muujiyaan kana digtoonaadaan weerarro uga yimaadda jihaadiyiinta.
Rayaale ayaa sidoo kale kulan la yeeshay gudoomiyaha kooxda Villa Somaliya ugu magacaaban dagmada Jalalaqsi, isaga oo wax ka waydiiyay xaaladda gobolka iyo deegaanada ay jihaadiyiintu la wareegeen iyo halisaha ciidankiisa ku gedaaman.
Tan iyo intii jihaadiyiintu ay la wareegeen deggaanno badan oo ay ugu dambaysay degmada Maxaas, waxaa soo baxayay warar sheegaya khalkhal iyo cabsi xooggan oo soo food-saartay ciidamada Jabuuti ee ku sugan Hiiraan ee qaybta ka ah hawl-galka AUSSOM.
Dhawaan ayeey aheyd markii sidan oo kale taliyaha ciidanka dowladda Burundi ee Soomaaliya uu socdaal ku tagay deegaanada ciidankiisa ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha dhexe isaga oo uga digay weeraro uga yimaadda Al-Shabaab.
Sidoo kale dhawaan ayay ahayd markii taliyaha ciidamada Kenya uu isna booqasho mooraal-dhis ah ugu yimid ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawl-galka AUSSOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ay soo food-saartay cabsi xooggan oo ay ka qabaan xoogagga Al-Shabaab.
Isbihaysiga ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha ee dulalanka ku jooga Soomaaliya ayaa ka cabsi qaba weeraro laayaan ah oo uga yimaada dagaalyahannada Al-Shabaab, xili dhanka kale ay wajahayaan xaalado adag oo ay ka mid yihiin dhaqaalle la'aan baahsan, kadib markii dowladaha reer-galbeedku ay joojiyeen lacagihii ay ku bixin jireen hawl-galkan.