Khilaafka udhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ayaa meel sare gaaray kaasi oo salka ku haya loollanada caalamka iyo baahinta awoodda hubka wax gummaada ee Niyugleerka.
Ruushka ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay in uu sawaariikhda xambaarta Niyugleerka diyaariyay islamarkaana ay maraakiibtiisa waaweyn gaareen biyaha caalamiga ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay hay'adda ugu sarraysa ammaanka xukuumada Moscow ayaa lagu sheegay in Ruushku uu ka baxay heshiiskii xakameynta hubka Niyugleerka arrinkaas oo ka dhigan yeerinta seeri dagaal oo ka dhan ah reergalbeedka.
Dmitry Medvedev oo ah ku-xigeenka Guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka ee Ruushka ayaa ku dhawaaqay in ka bixitaanka dalkiisa ee xayiraadda ku-meel-gaarka ah ee ku saabsan gantaallada nukliyeerka ee masaafo-dhexe iyo kuwa gaaban uu yahay xaalad cusub oo dhab ah.
Tallaabadan ayaa daba socota siyaasado uu Medvedev ku tilmaamay in ay yihiin kuwo cadaawad ah oo ka imaanaya xulafada NATO ee Mareyakanku ugu weynyahay.
Medvedev ayaa bartiisa X (hore Twitter) ku sheegay in go’aankaasi yahay mid cawaaqib ah oo ka dhashay ficillada NATO wuxuuna uga digay reer galbeedka in ay filaan tallaabooyin dheeraad ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa horay u sheegtay in Moscow aysan hadda kadib u hoggaansami doonin heshiiska aan rasmi ahayn ee xaddidaysa tijaabinta iyo soo rididda gantaalladan. Ruushka wuxuu sheegay in duruufihii keenay xayiraaddaasi ay meesha ka baxeen.
Donald Trump ayaa jimcihii lasoo dhaafay sheegay in maraakiibta gujisyada ee xambaari kara Niyugleerka loo diray badda Madoow iyo bado kale oo ku dhow dalka Ruushka.