Wararka ka imanaya gobolka Banaadir ayaa sheegaya hawl-gal qarax oo xoogagga Al-Shabaab ay la beegsadeen bar-kantarool oo ku taal degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Goobtan la weeraray waxaa ku sugnaa maleeshiyaadka Gurguurte, waxaana qaraxaasi ku dhintay 1 askari, halka mid kalena lagu dhaawacay.
Sidoo kale jihaadiyiintu waxey qarax la beegsadeen Bar-kontarool oo maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ay kaga sugnaayeen deggaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi lagu dilay ugu yaraan 1 askari, askari kalena largu dhaawacay.
Weerarradan ayaa imanaya iyadoo shalay ugu yaraan 54 askari oo Ugandhiis ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaallo ka dhacay duleedka Afgooye.
Dagaalladan oo jab culus lagu gaarsiiyey ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaan, ayaa dhanka kalena laga gubay ugu yaraan 5 baabuurta gaashaaman ah.