Wararka ka imanaya dalka Soomaaliya ayaa sheegaya weerarro khasaare geystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Banaadir, Shabeellaha hoose, Bakool, Baay, Gedo iyo Jubbada hoose.
Gobolka Banaadir: Xoogagga Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in qaraxyo ay la beegsadeen labo fariisin oo maleeshiyaadka Gurguurte ay ku kala leeyihiin xaafadaha Suuqa Xoolaha iyo Warlaliska ee degmooyinka Hilwaa iyo Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari lagu dhaawacay weerarradaasi, kuwaas oo mid ka mid ah uu dhaawaciisu garaab yahay.
Gobolka Shabeellaha hoose: Labo qarax ayaa sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku weerareen kolonyo maleeshiyaad ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Alpha Group xilli ay kasoo baxeen magaalada Muqdisho.
Xogtu waxay tibaaxaysaa dhimashada ugu yaraan 9 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkan la weeraray, iyo gubashada 2 gaari oo Cabdi Bile ah.
Sidoo kale waxaa jira hawl-gal gaar ah oo xoogagga Al-Shabaab ay xalay ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye, kaas oo lagu dilay Jeylaani Xasan Bagey oo la sheegay inuu ka mid ahaa Ergadii soo xushay xubnaha maamulka Koonfur-galbeed.
Gobolka Bakool: Dagaal culus ayaa lagu soo warramayaa in jihaadiyiintu ay habeennimadii xalay ku mireen maleeshiyaadka Laftagareen ee degmada Ceel Barde.
Gobolka Baay: Qarax ay sidoo kale jihaadiyiintu ka fuliyeen gudaha degmada Diinsoor, ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Laftagareen, kuwaas oo uu soo gaaray khasaare kala duwan.
Gobolka Jubbada hoose: Ugu yaraan hal sarkaal oo ahaa taliye koox, kana tirsanaa ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qarax maanta ay jihaadiyiintu ku bar-tilmaameedsadeen afaafka hore ee xerada askarta Kenya ee degmada Afmadow.
Gobolka Gedo: Qarax shaley ka dhacay degmada Baardheere oo lala eegtay ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa lagu dhaawacay ugu yaraan 3 askari oo Itoobiyaan ah.