92 jir mar kale u taagan in uu sii hayo xilka ugu sarreeya Kamaruun.

Monday July 14, 2025 - 17:32:16
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha dunida ugu da'da weyn ee dalka Kamaruun Paul Biya ayaa markalr ku dhawaaqay in uu u ordi doono doorashada biluhu ka harsan yihiin ee dalkaas.
Biya ayaa xukumayey dalka Kamaruun in ka badan 40 sano, waxaanay shaacintiisu ay hadal-hayn weyn ka dhalisay Baraha Bulshada ee dalkaas halkaas oo ururrada mucaaridka ah iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadamuhu ku doodeen in loo baahan yahay isbeddel ‘Dimuquraadi’ ah.

Paul Biya ayaa doorasho madmadow badan dhalisay oo dhacdey 2018 ku guuleystay 70% tirintii codadka. Inkastoo doorashadaasi ahayd mid lagu xasuusto musuqmaasuq iyo ku shubasho baahsan.

Mudaharaadyo ay dhigeen kooxo ka soo horjeeda musuqa Biya ayaa ka dhacey qaybo dalkaas ayaa dhimashooyin iyo dhaawacyo.

Dalalka Africa badankood waxa ka jira xukun-ku-dhag ay dheertahay tayo la’aan iyo boobka hantida dadweynaha.

Caddaalad darrada dalalka Afrika badankood taalla ayaa sababtey in dhallintii qaaraddu nolol ka raadsadaan dalalka Reergalbeedka.

Related Items

Update cookies preferences