Waxaa maanta mar kale fashil ku yimid qabsoomidda shirkii uu iclaamiyey madaxda kooxda Villa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sidii uu horyba u sheegay ku astaysnaa maanta oo Axad ah inuu ka furmo magaalada Muqdisho.
Shirkan ayay wararku tibaaxayaan inuu u baaqday kadib markii mucaaradku ay gebi ahaanba qaadaceen ka qayb-galkiisa, isla markaana ku tilmaameen mid laga leeyahay ujeedooyin qarsoon oo Xasan Gurguurte uu damacsan yahay inuu ku meel-marsado danahiisa.
Kooxda Villa Somaliya ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin sababta uu shirku u qabsoomi waayay, taas oo sii xoojisay walaaca iyo tuhunka ay qabaan qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka.
Kooxaha mucaaradka ee ka qayb-galka shirkan kasoo hor-jeeda ayaa sidoo kale carabaabay in Xasan Gurguurte iyo kooxdiisu ay go’aansadeen inay majarahabaabiyeen ajandaha shirka, isla markaana ay meesha ka saareen jawi wada-hadal oo dhab ah.
Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa iyaguna horeyba ganafka ugu dhuftay ka qayb-galka shirkaasi, waxaanay sheegeen in Xasan Gurguurte uu gebi ahaanba baabiiyey dalka, isla markaana uu u horseeday nasiib-darro aan marnaba la filayn.
Saciid Cabdullaahi Deni madaxa maamulka Puntland ayaa maanta mar uu ka hor hadlayay golaha baarlamkaanka maamulkaasi ku baaqay in dalka laga badbaadiyo kooxda Gurguurte oo halis gelisay ayuu yiri dalka Somaliya.
Khilaafka ayaa kasii daraya marba marka ka dambaysa, waxaana sidan oo kale uu Gurguurte ugu soo fashilmay gogol tiraba dhowr jeer oo hore uu u fidiyey mucaaradka iyo weliba maamullada Puntland iyo Jubbaland, waxaanay arrimahani kusoo aadayaan xilli dagaalyahannada Al-Shabaab ay dardar xooggan geliyeen gulufkooda, isla markaana ay deggaanno badan ka taageen raayada Tawxiidka, kaabigana ku hayaan caasimadda Muqdisho.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: