Dagaalka u dhexeeya Yuhuuda iyo Iiraan ayaa qarka u saaran inuu sidii dabkii u wada qabsado guud ahaan waxa loogu yeero Bariga Dhexe, waxaana markan si indha la'aan ah usoo galay Mareykanka oo lagu tilmaamo jaan goo'yahay siyaasadaha kala duwan.
Inkastoo iskahorimaadkani si toos ah uga dhacayo Bariga Dhexe, haddana saamayntiisa ma aha mid ku koobnaanaysa gobolkaas oo keliya, balse wuxuu gaari karaa qaaradaha kale gaar ahaan Afrika.
Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ugu horreeyso ayaa si gaar ah u wajihi kara saameyno ay ugu horeyso mid dhaqaale haddii xaaladdu ay kasii darto waana sida ay aamisanyihiin khubarada ka faaloota arrimaha gobolka.
Warbixintan waxay Allah idankii falanqeyn buuxda ka bixinaysaa sida dagaalka Iran iyo yuhuuda uu u taaban karo gobolka Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saarayo Soomaaliya.
1- Saameynta Istiraatiijiyadeed ee Jiritaanka Marin-biyoodka Hurmuz iyo Xirmitaankiisa.
Marin-biyoodka Hurmuz (Strait of Hormuz) ayaa ah halbowlaha ugu muhiimsan ee dhoofinta shidaalka adduunka, waxaana maalin walba ka gudba in ka badan 20% saliida caalamka.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, haddii Iran ay dhaqangeliso hanjabaadeeda ah in ay xireyso marin-biyoodkan, waxay arrintaasi keeni kartaa koror ku yimaada qiimaha saliidda, taasoo saameyn toos ah ku yeelanaysa dhaqaalaha dalalka shidaalka soo dhoofsada sida Soomaaliya.
Dalkeena Soomaaliya oo aan lahayn wax-soo-saar shidaal oo gudaha ah, waxa uu ku tiirsanyahay shidaalka uu kasoo dhoofsado dalal dhowr ah sida Imaaraadka Carabta iyo kuwo kale oo fara badan.
Haddii qiimaha shidaalka kor u kaco, waxaa si toos ah u qaali noqon doona gaadiidka, korontada, iyo badeecooyinka kale ee asaasiga ah, taasoo sii hurin karta sicir-bararka gudaha dalkan oo ay horey dhibaatooyin ugu geysteen kooxda ridada Soomaaliya.
2- Saameynta Dhaqaale ee Gobolka iyo Dhibaatada Cuntada.
Sida ay sheegtay hay’adda FAO sanadkii lasoo dhaafay ee 2024, Soomaaliya ayaa inta badan ku tiirsan soo dhoofsashada cunooyinka kala duwan, halkii ay ku faani lahaayeen dalagooda gudaha taasi oo keenta marwalba oo ay xaaladahan oo kale ay yimaadaan in bulshada Soomaaliyeed ay gasho xaalad liitado.
Haddii iskahorimaadka Bariga Dhexe uu sababo jabka suuqyada caalamiga ah, waxaa laga yaabaa in shidaalka, raashinka, iyo daawooyinka la keeno Soomaaliya ay noqdaan kuwo aan la heli karin ama qaali oo uusan iibsan karin qof walba.
Dalka Yemen oo mararka qaar ah marin muhiim u ah badeecadaha Soomaalida, haddii uu si buuxda u galo dagaalkan weyn marka laga hadlayo Xuuthiyiinta ayaa lagu waramayaa sidoo kale in dhaawac weyn u geysan kartaa maraakiibta xamuulka, taasoo sabab u noqon karta dib u dhac ku yimaada badeecadaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed.
3- Saameynta Amni iyo mida Qaxootiga.
Sida ay aamisanyihiin falanqeeyaal fara badan, isku dhacyada Bariga Dhexe ayaa keeni kara koror ku yimaada tahriibka, waxaana laga yaabaa in dad badan oo ka soo cararaya Iran, Yemen, ama Suuriya ay u soo gudbaan xeebaha Geeska Afrika, taasoo xoojinaysa culayska amni ee gobolka horay uga jiray.
4- Qodobkeena Afaraad waxa uu noqonayaa, Taga-darada Dowladda ridada Soomaaliya iyo dawarsiga ay ku tiirsantahay oo sii mugdiyoobaya.
Xukuumada ridada Soomaaliya oo si weyn ugu tiirsan deeqaha caalamka ma hayso awood dhaqaale iyo mid amni oo ay uga hortagto xiisadan bariga dhexe ee la filayo iney sababto burbur dhaqaale oo baaxad leh.
Sida uu sheegay wargeyska The Guardian, inta badan dhaqaalaha dowladda ridada waxaa lunsada musuqmaasuq iyo maamul xumo, halka shacabka ku hoos nool ay la tacaalayaan baahi, shaqo la’aan, dhac, kufsi iyo boob hantiyadeed oo bareer ah.
Intii ay rog rogi lahayd xaalada caalamka ayna ka fikiri lahayd masiirkeeda waxay taa badalkeed hadda u muuqataa mid ku mashquulsan siyaasad gudaha iyo kala boobka shilimaadka yar ee ay kasoo dawarsadeen dalalka galbeedka.
5- Doorka Geeska Afrika iyo Isbeddelka Caalamiga ah.
Dalalka Geeska Afrika sida Jabuuti iyo Ereteriya ayaa si gaar ah u xiiseynaya isbeddelka dhaca Bariga Dhexe, maadaama ay yihiin dalal istiraatiiji ah oo dhaca marinada ganacsi.
Soomaaliya oo ah dalka ugu xeebta dheer gobolka sida ay khubaradu sheegayaan waxay heysataa fursad ay kaga faa’iideysan karto istaraatiijiyadeeda badeed marka laga hadlayo xaaladaan kasoo korartay bariga dhexe "balse taasi ma dhici karto sababtuna waa xukuumada taagta daran ee ka dhisan Soomaaliya iyo maamul xumadeeda" ayaa yiri.
Gabagabadii dagaalka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Yuhuudda iyo dowladda shiicada ah ee Iiraan waxa uu hadda u muuqdaa mid ganafka ku dhuftay waxyaabo badan, gacansiyo kala duwan ayaa cirka isku shareeray oo uu dahabka ugu horeeyo, gudaha Soomaaliya ayuuna hadda garaamkii dahabka ah ka marayaa lacag ka badan $ 100 Dollar halka markii hore uu ahaa inta u dhexeysa $60 ilaa $65 Dollar, waxaysa wax walba isbadali doonaan sida ay filashadu tahay markii uu si toos ah u xirmo marin-biyoodka hal-bowlaha ah ee Hurmuz.