FAAH-FAAHIN: Ciidan Itoobiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax ka dhacay Baydhabo.

Sunday July 20, 2025 - 15:29:49
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya qarax saaka ay jihaadiyiinta Al-Shabaab kula jarmaadeen ciidanka Xabashida Itoobiye ee deggen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.
Qaraxan oo daryankiisa laga maqlaayay meelo aad uga durugsan goobtaasi, ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 3 askari oo Itoobiyaan ah, iyo dhaawaca 2 askari oo kale.

Hawl-galkan ayaa kusoo aadaya xilli jihaadiyiinta Al-Shabaab ay dardar xooggan geliyeen halganka ay kaga hor-tageen shisheeyaha soo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

Related Items

Update cookies preferences