FAAH-FAAHIN: Hawl-gallo ka kala dhacay gobollada Banaadir, Baay, Gedo iyo Hiiraan.

Saturday June 28, 2025 - 10:32:22
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya qarax ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab oo lagu beegsaday xarunta maleeshiyaadka Nisa ee gudaha Baardheere.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare kala duwan oo jawaasiista Nisa kasoo gaaray qaraxaasi.

Gobolka Hiiraan waxaa isna habeennimadii xalay ka dhacay hawl-gal ay xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen dhinaca bari ee magaalada Baladweyne.

Hawl-galkan ayaa lagu khaarajiyey askari ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte oo magaciisa lagu sheegay Faarax Ruway, kaas oo qorigii uu watayna laga soo furtay.

Gobolka Banaadir, waxaa subaxnimadii shalay ka dhacay qarax ay xoogagga Al-Shabaab ku weerareen bar-kantarool oo maleeshiyaadka Gurguurte ay ku lahaayeen xaafadda Godeey Makanne ee degmada Yaaqshida.

Gobolka Baay, waxaa ka dhacay habeen hore dagaal culus oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ku mireen xerada maleeshiyaadka Laftagareen ee deggaanka Bur-jeed ee duleedka magaalada Baydhabo.

Related Items

Update cookies preferences