Jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gal gobolka Banaadir ayaa saaka weerar qarax ah ku beegsaday bar-kantarool oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Gurguurte oo ku taal xaafadda Godeey Makanne ee degmada Yaaqshida ee magaalada Muqdisho.
Gobolka Baay, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay dagaal culus ku miray xerada maleeshiyaadka deggaanka Bur-jeed ee duleedka Baydhabo.
Gobolka Hiiraan, xoogagga Al-Shabaab ayaa galabnimadii shalay hawl-gal ay fuliyeen kula wareegay gacan-ku-haynta deggaanka Il-cad oo hoostagta Yasooman.
Jihaadiyiinta ayaa lagu soo warramayaa in ay cagta mariyeen maleeshiyaadkii ku sugnaa Il-cad, kuwaasoo ka firxaday deggaankaasi.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in hawl-galkaasi lagu khaarajiyey ugu yaraan 1 askari, kaas oo qorigii iyo booshkii uu watayna ay jihaadiyiintu la wareegeen.
Askariga la dilay ayaa magaciisu lagu sheegay Muumin Dhagaweyne, iyadoo sidoo kalena uu jiro hal askari oo lagu dhaawacay hawl-galkaasi.