Waddamada Khaliijka oo cambaareeyay weerarkii Iiraan ee saldhigyada Mareykanka.

Monday June 23, 2025 - 22:15:51
Liibaan Jeexoow
Wararka ka soo kordhaya xaaladda xaaladda "Bariga Dhexe" ayaa sheegaya in Waddamada Khaliijku ay si xooggan u cambaareeyeen weerrarada Iiraan ee saldhigyada Mareykanka.
War ay Al Jazeera baahisay oo ka soo baxay Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa lagu yiri "waxaan su xooggan uga soo horjeednaa una cambaaraynaynaa weerarka Iiraan ku qaadday Saldhigga Mareykanka ee Qadar ku yaalla”.

Golaha iskaashiga Khaliijka ayaa ka kooban lixda dowladood ee la baxay Khaliijka Carabta.

Dhanka kale Wasaaradda Dibedda Immaaraatka oo goordhaweyd soo saartay warsaxafadeed ayaa si gaar ah u sheegtay in ay cambaarayn ta ugu xooggan ka muujinayso weerrarada Iiraan ee Saldhigga Cudayd.

Immaaraatka ayaa taas ku sheegay in ay tahay mid xadgudub ku ah madaxbannaanida dalka Qadar.

Geesta kale war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Qadar ayaa lagu xusay in wadciga guud ee amniga waddanku deggan yahay isla markaana aanay jirin wax kaga werweraa.

Related Items

Update cookies preferences