Cali Jeyte oo u ambabaxay Jigjiga kadib guuldarrooyinka lasoo dersay maleeshiyaadka Hiiraan.

Saturday July 12, 2025 - 17:10:24
Liibaan Jeexoow
Xilli maleeshiyaadka ku sugan gobolka Hiiraan ay la kulmayaan guuldarrooyin milatari oo isdaba joog ah, ayaa Cali Jeyte Cismaan waxaa uu gaaray magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoos jira dowladda xabashida Itoobiya isagoo hoggaaminaya wafdi ka baxay magaalada Baladweyne.
Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay inuu yahay raadinta taageero amni oo laga helo maamulka daba-dhilifka Mustafe Cagjar ee xukuumadda Itoobiya ay halkaas ka dhisatay, si loogu wajaho dagaalka ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ka wadaan deegaannada Hiiraan, halkaas oo maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ay si weyn uga sii dabar go’ayaan.

Safarka Cali Jeyte ayaa imaanaya maalmo un kadib markii jihaadiyiidiintu ay la wareegeen degmada Moqokori oo ahayd fariisin istiraatiiji ah oo dhaca bariga gobolka Hiiraan.

Weerarkan ayaa noqday mid ka mid ah jabka ugu weyn ee soo gaaray maleeshiyaadka tan iyo markii dagaalka uu ka curtay gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in safarka Jeyte iyo wafdigiisa uu yahay mid la doonayo in lagu xoojiyo iskaashi toos ah oo u dhexeeya maleeshiyaadka Hiiraan iyo maamulka daba-dhilifka Xabashida, iyada oo la sheegayo in wada-shaqeyntan ay qeyb ka tahay fulinta hadalkii dhawaan kasoo yeeray Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Goodax Barre, kaasoo si cad u sheegay in maleeshiyaadka Hiiraan ay Itoobiya ku biiri doonaan haddii aysan helin taageero ka timaadda kooxda Villa Soomaaliya.

Lama oga illaa iyo hadda wax natiijo ah oo kasoo baxay kulamadii ay halkaasi ku yeesheen Cali Jeyte iyo wafdigiisa, balse safarku waxa uu imaanayaa xilli xiriirka u dhexeeya kooxda Villa Soomaaliya iyo Itoobiya uusan wanaagsanayn, kadib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday heshiis badeed oo ay la gashay maamulka Somaliland, arrintaasoo horseedday diblumaasiyad-xumo ka dhex qaraxday labada dhinac

Iskusoo wada duubo, maleeshiyaadkan ayaa si weyn loogu jebiyey dagaalladii ugu dambeeyey ee gobolka Hiiraan, iyadoo deegaano badan lagala wareegay, saraakiil badanna laga dilay, taasoo keentay in haraadiga saraakiishii hogaaminaysay ay safar gurmad ah ugu ambabaxaan Jigjiga si ay taageero ciidan uga raadsadaan Itoobiya, taasoo muujineysa burburka istiraatiijiyadeed ee maleeshiyaadaasi.

Related Items

Update cookies preferences