Waxa maalintii saddexaad galey weerrarada iyo weerar-celiska duqaymaha dowladda Shiicada Iiraan iyo maamulka Sahaayuuniyada.
Ilo wareedyo Yuhuud ah ayaa Warbaahinta Al Jazeera ka soo xigatey in dhimasha Yuhuuddu ay noqotey 6 qof halka ay shalay ahayd 3, waxa kale oo dhaawacmay 240 halka shalay ay ahayd 172 ruux inta ay qirteen.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa waxa ay tibaaxeen in la la’yahay dad ku dhow 35 ruux oo Sahaayuuniyo ah.
Sarkaal sare oo ka tirsan Yuhuudda isla markaana ku sugan Israel ayaa sheegay in habeenkii xalay ay u ahaud habeen adag dalkiisa.
Warar kale oo Al Jazeera tabinayso ayaa sheegaya in Mareykanku gantaalo casri ah si qarsoodi ah u keenay Israel taas oo keeni karta in uu dagaalku sii ballaarto.
Mar sii horeysay waxa Iiraan ay ka dhawaajisay in ay beegsan doonto saldhigyada millateri ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe haddii uu ka qayb qaato dagaalka.
Tan ayaa soo dhaweyn karta dagaal weyne ka qarxa Bariga Dhexe kaas oo mandiqadda oo dhan saameeya.
Waxa se xusid mudan in Yahuudda iyo Iran aanay xuduud toos ah lahayn oo ay midkastaaba adeegsanayso duqaymaheeda iyada oo sii dhexmaraysa dalkale oo Carbeed.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: