FAAH-FAAHIN: Hawl-gal ka dhacay gudaha Baydhabo oo lagu dhaawacay askar Itoobiyaan ah.

Saturday July 12, 2025 - 17:07:45
Liibaan Jeexoow
Waxaa sii faahfaahin dheeriya ay kasoo baxday hawl-gal habeen hore Jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka gudaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Weerarkan ayaa sida ay wararku tibaaxayaan lagu miray laba saldhig boolis oo maleeshiyaadka Laftagareen ku leeyihiin xaafadda Buulo Jiimaa.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in weerarradaasi lagu dilay ugu yaraan 1 sarkaal oo magaciisa lagu soo gaabshey Marshaalle.

Sidoo kale hawl-galkan waxaa lagu dhaawacay 2 askari oo Itoobiyaan ah oo xilliga weerarka dhacaayay goobta ku sugnaa goobtaasi.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in weerarradaasi ay jihaadiyiinta Al-Shabaab kusoo furteen hal qori oo noociisu ahaa AK47 iyo weliba booshkiisii.


Related Items

Update cookies preferences