Maamulka aan aqoonsiga haysan ee Taiwan ayaa Somaliland ku wareejiyey lacago ay ku sheegeen gargaar bina-aadantinnimo taas oo xaddigeedu dhan yahay laba milyan iyo bar doolarka Mareykanka ah.
Shir lagu qabtey Wasaaradda Maaliyadda maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa Wakiilka Taywaan waxa uu ku wareejiyay lacagtaas.
Madasha waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Somaliland iyo wakiilkii hore ee SL u fadhiyey Taiwan.
Taiwan oo ah jasiirad yar oo isu aragta dal ka madaxbannaan Shiinaha balse Shiinuhu sheegto ayaa dhaqaale ahaan horumarsan, waxaana heshiis amni kala dhexeeyaa Mareykanka.
Dhawaan ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhawaajisay in ay xannibtay Baasaboorka Taiwan maaddaama oo ay taageerto SL.
Taiwan waxa ay lacago malaayiin ah siisay Somaliland sannadkii 2024 ee ina dhaafey. Waxay lacag 20milyan ka badan ku dhisaysaa Cusbital ku yaalla Hargeysa.
Taiwan maaddaama oo aanay haysan aqoonsi waxa ay doonaysaa waddamo Afrikaan ah oo ay xiriir la yeelato si ay kor ugu qaaddo sumcaddeeda.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: