Kenya sidee ula dhaqantey Somaliland ka dib safarkii Cirro? [WARBIXIN]

Wednesday May 28, 2025 - 18:41:53
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha madaxweynaha maamulka aqoonsi raadiska ah ee la baxay Somaliland ayaa Isniintii safar ku tagey magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Cirro oo ay la socdeen wafti wasiirradiisa ahi ayaa intii aaney gaarin Nairobi oo ay diyaaradda sii saarnaayeen waxa ay Kenya soo saartey qoraal ay ku sheegayso in ay dhowrayso madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya ispa markaasna ay uga dambaynayso DF laakiin Somaliland ay lamid tahay maamullada kale ee hoos yimaadda Federaalka sida Jubbaland.

Haddana Kenya waxay Somaliland ku soo dhaweysay hab maamuus sare oo waxa loo dhigey roogga cas ee dowladaha casriga ahi madaxda ku soo dhaweeyaan waxaana madaarka kaga hortegay Wasiirka Macdanka Kenya Hasan Joho.

Dhanka kale Kenya waxa ay sheegtay in ay Somaliland ay xafiis ka furan doonto Nayroobi haddana ka gadaal waa ay joojisay waxaana xafiiskii lagu sheegay mid ganacsi kaas oo qof waliba uu furan karo.

Wararka iyo qoraallada kala geddisan ee Kenya ka soo saartey maamulka Somaliland ayaa ilaha qaar sheegayaan in ay ka imanayaan Shiinaha iyo Dowladda Federaalka. Shiinaha ayaa Somaliland dagaal dublomaasi ah oo adag kula jira maaddaama oo ay Somaliland xiriir la leedahay Taiwan oo sida Somaliland aqoonsi raadis ah.

Shiinaha ayaa deymaha ugu badan kuleh Kenya sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Reuters. Warbaahinta qaar ay Shiinuhu wuxu Kenya ku leeyahay lacag kor u dhaafaysa 6bilyan oo doolar. Tan ayaa ku qasbaysa Kenya in ay waxbadan ka beddeli karto xiriirkeeda SL.

Somaliland oo labadii waddan ee ay hore u tagtay kala kulmay soo dhawayn ballaaran ayaa tani ku noqotey wajigabax ka dib markii iyaga dalkaasi ku sugan lagu sheegay maamul lamid ah sida kuwa taabacsan Dowladda Federaalka ah.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:





Related Items

Update cookies preferences