Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga maamulka la baxay Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuux ayaa xarunta Addis Ababa kulan kula yeeshay Kassahun Gofe oo ah Wasiirka Ganacsiga Itoobiya, sida ay soo tebisay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee labada dhinac. Iyagoo dibu eegisna lagu sameeyey diyaar-garowga heshiisyo la sheegay inay soo socdaan oo la la filayo in dhawaan la saxiixo, kuwaas oo la xiriira ayaa la yiri ganacsiga iyo wareejinta badeecadaha.
Sidoo kale qodobada mudnaanta la siiyey ee kulankaasi lagu gorfeeyey ayaa lagu soo warbaahinta Itoobiya sheegtay inay ka mid ahayd fududaynta ganacsiga xad-beenaadka labada dhinac, si looga faa’iido ayay yiraahdeen dhaqaalaha heerka hoose..
Booqashadani waxay qayb ka tahay ayaa la yiri dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo iskaashiga hubinta tayada iyo fududaynta ganacsig, iyadoo labada dhinacba isku raaceen in la dhiso guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka talo-bixisa hirgelinta heshiisyada ganacsiga ee laba-geesoodka ah.
Itoobiya ayaa weli ku socota ajandayaasheedii ay ku ballan-qaadday in xoog ama xeelad mid uun ku hesho Badda Soomaaliya, ayaa haatan heshiisyo xodxodosha ah la wadda maamulka Somaliland oo ay horey ula gashay heshiis xaaraan ah oo loogu saxeexay xayuubsig qaybo ka mida Badda Soomaaliya.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGTAM: https://t.me/+56QyaUDi6sM5NWQ0
TELEGRAM: https://t.me/+uHsSss5HqIc5YmRk
TELEGRAM: https://t.me/+StdKc8wTmzg1OGU8