Weerarro khasaare geystay oo ka dhacay Baay, Banaadir & Sh. dhexe + Al-Shabaab oo usbuucii 2aad ku sugan Ceel-hareeri [SAWIRRO]

Thursday June 12, 2025 - 08:35:01
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Baay, ayaa xalay weerar qarax ah ku miray saldhig boolis oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo.
Sida ay wararku tibaaxayaan waxaa jira khasaare ka dhashay qaraxaasi oo soo gaaray maleeshiyaadkii ku sugnaa saldhiggaasi.

Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab ee ka dagaallamada gobolka Banaadir ayaa xalay hawl-gal qarax ah ka fuliyey xaafadda Tabeelaha Sh. Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Qaraxan ayaa lagu beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ee loo yaqaan Boolis Militaaro.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 2 askri oo ka tirsan maleeshiyaadka la weeraray iyo dhaawaca mid kale.

Geesta kale gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa galabnimadii shalay ka dhacay qarax ay xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka degmada Cadale.

Qaraxan ayaa lagu gubay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaadka calooshood-u-shaqaystayaasha uu Maraykanku ku adeegto ee Danab.

Sida Ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen qaraxaasi oo ahaa mid aad u culus waxaa ku dhintay 3 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Danab.

Dhinaca gobolka Hiiraan, gaar ahaan deggaanka Ceel-hareeri waxaa usbuucii labaad ku sugan jihaadiyiinta Al-Shabaab, kadib markii ay ka fara-maroojiyeen maleeshiyaadka Gurguurte.

Sawirro maalinnimadii shalay la baahiyey ayaa muujinaya xoogagga Al-Shabaab oo gacanta ku haya deggaankaasi iyo weliba maydadka maleeshiyaadka Gurguurte oo daadsan daafaha magaalada.

Qaybo ka mida sawirrada halkan kuma soo gudbin karno, balse waxaad ka fiirsan kartaan Channellada aanu ku leenahay Telegramka.


Related Items

Update cookies preferences