Maamulka Somaliland ayaa xafiis cusub oo ay safaarad ku sheegeen ka furtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha maamulka Cabdiraxmaan-Cirro ayaa si toos ah xarigga uga jarey dhisme cusub oo ay SL ku yeelanayso Kenya.
Cirro ayaa saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa dalka Kenya halkaas oo la sheegay in uu kula kulmayo Madaxweynaha Kenya iyo safiirrada Reergalbeedku ku leeyihiin Kenya.
"Bismillaahi Raxmaani Raxiim, waxa farxad ii ah inaan xadhigga ka jaro dhismaha cusub ee ay u soo guurtay safaaradda Somaliland ee Nairobi” Cirro
Kenya oo hore wararku u sheegayeen in ay diidey xafiiska cusub ee Somaliland ayaa ilo xog ogaal ahi sheegayaan in Mareykanku ku cadaadiyey oggolaanshaha xafiiska.
Dalka Shiinaha ayaa dhankiisa cadaadis saaray Kenya in aaney SL xafiis u furin sabab la xiriirta xiriirka ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland.