Xilli dagaalyahannada Jihaadiga ah ee Al Shabaab ay horumar ballaaran ka sameeyeen guluf dagaaleed ay bilihii lasoo dhaafay ku qaadayeen gobollo dhaca Koonfurta Soomaaliya oo kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayay askar iyo mas'uuliyiinta DF-ka dalka isaga cararayaan.
Warbixinno soo baxay ayaa sheegaya in kumanaan askar iyo saraakiil ah ay dalka Soomaaliya isaga carareen iyagoo iska dhiibay dalalka qaaradda Yurub halkaas oo ay ka raadiyeen nolol qaxootinimo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 3000 oo katirsanaa shaqaalaha DF-ka kuwaas oo isugu jiray rayid iyo saraakiil ciidan ay utahriibeen dalalka dibadda halka qaarkood ay isdhiibeen iyagoo adeegsanaya Baasaboorro Diblumaasi ah.
Sida ay muujinayaan xogo soo baxay shaqaalahan oo adeegsanayay Baasaboorro ayaa badankood iska dhiibay dalalka Yurub sida Talyaaniga,Ireland,Swizerland iyo Jarmalka, saraakiil katirsanaa wasaaradaha arrimaha dibadda,shaqaalaha iyo caafimaadka ayaa la xaqiijiyay in ay magelyo siyaasadeed weydiisteen dalal ay booqanayeen.
Saraakiil ciidan iyo boqolaal askari ayaa iyana qaab tahriib ah u aaday Yurub iyagoo sii maraya dalalka Liibiya,Niger iyo Aljazaa'ir, qaar kamid ah saraakiisha DF-ka ee dibadda ucararay ayaa ehelladooda usheegay in ay ka baqayaan weerarada Shabaabul Mujaahidiin islamarkaana ay ka quusteen xukuumaddii ay ushaqeynayeen.
Kumanaan askar iyo saraakiil ah oo sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay isaga firxanayay furimaha dagaalka ayaa la sheegay in ay hubka isdhigeen ayna utahriibeen dalka dibaddiisa arrinkan oo ah calaamad muujinaysa suuragalnimada burbur soo wajaha xukuumadda taakta daran ee uu madaxda ka yahay Xasan Gurguurte.
Fadeexaddii ugu dambeysay waxaa lagasoo calaamadeeyay dalka Swizerland kadib markii ay isdhiibeen inta badan wafdi ka socday wasaaradda shaqada iyo dhaqaalaha DF-ka kuwaas oo ka qeyb geli lahaa shir ka dhacayay magaalada Jineefa.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: