Somaliland oo sheegtay in Ingiriiska iyo Immaaraadku ay shidaal u soo saarayaan 2026.

Monday June 09, 2025 - 15:09:35
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Macdanta maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegay in sannadaha soo socda ay soo saari doonaan shidaalka ku jira Somaliland.
Axmed Jaamac oo ah Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo u warramay Wargeyska The Advocate Post ayaa ka dhawaajiyey in laba shirkadood oo laga leeyahay Isutagga Immaaraadka Carabta iyo Ingiriisku ay ku hawlan yihiin soo saarista saliidda cayrin ee SL.

Warbixinta Wargeyska ayaa intaa ku dartey in Shirkadda Ingiriiska ah ee Genel Energy ay shidaalka ka qodi doonto Bariga Somaliland halka shirkadda kale ee laga leeyahay UAE RAK Gas ay ka soo saari doonto agagaarka magaakada Berbera.

"Genel Energy waxay laba baloog ka heshay Bariga Somaliland halka RAK Gas ay meel u dhow Berbera ka heshay Baloog” ayuu yiri

Waxa uu intaa ku darey in bilowga howshu ay noqonayso 2026 laakiin ay rejaynayaan in horumar la taaban karo laga gaaro sannadka 2027. Somaliland ayaan wali haysan aqoonsi ay kula macaamisho shirkadaha dalalka kale ee caalamka taas oo caqabad ku ah sahaminta shidaalka ee uu wasiirku sheegay.

Dowladda Federaalka oo ah midda haysata sharciyadda ayaa hore heshiis shidaal qodis ah ula gashey dalka Turkiga inkasta oo caqabadda Federaalka haysataa ay tahay in aanay maamulin dhulka ay sheegato.

Related Items

Update cookies preferences