Weerar xaley nuskii dambe ee habeennimo ay Dowladda Yuhuuddu ka fulisay Caasimadda Iiraan ee Tahran ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay saraakiishii ugu sarraysay Ciidammada Millateriga Iiraan.
Wararka ka soo baxaya Taliska Yuhuudda ayaa tibaaxaya in duqayntaasi ay salfatay Taliyaha Guud ee Ciidanka Milateriga Mohamed Bagheri, Taliyaha Ilaalada Kacaanka Xuseen Salaami iyo Taliyaha Cirka ee Kacaanka Amiir Cali.
Wargeyska New York Times ee ka soo baxa Mareykanka ayaa dhankiisa baahiyey in ilo hoose oo ay heleen sheegayaan in goobaha Yuhuuddu beegsatey ay tahay 3 dhisme oo ku yaal xaafad ay degaan madaxda sare ee ciidanka Iiraan.
Sida Al Jazeera tabisay Yuhuuddu waxa ay mar labaad weerar ka geysteen xarumaha Nuclear-ka Iiraan ee Natanz iyo Kermanshahr.
Telefishanka Shiicada Iiraan ayaa tebiyay in duqaymaha lagu dilay Guddoomiyihii Jaamacaddaa Islamic Azad iyo sarkaal Gholam Ali.
Geesta kale Iiraan waxa ay xaqiijisay in uu sidoo kale duqaynta ku geeryooday Taliyihii Ilaalada Kacaanka Xuseen Salaami. Waxaana baraha bulshada lagu baahiyey qaar ka mida saraakiisha geeriyootay.
Weerarkan ay Yuhuuddu fulisay ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee Yuhuuddu ka geysato Iiraan.
Xoghaya Mareykanka ninka lagu magacaabo Rubio oo warsaxaafadeed degdeg ah soo saarey waxa uu sheegay in Israel qaadday weerar hal dhinac ah oo ka dhan ah Iran.
Rubio ayaa iska fogeeyay in Mareykanku qayb ka ahaa wixii xalay ka dhacay Tehran.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: