Xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa weerar dhabbo-gal ah la beegsaday ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen agagaarka deggaanka Haluungo ee gobolka Mandheera.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in uu jiro khasaare kala duwan oo ciidamada Kenya kasoo gaaray Kamiinkaasi loo dhigay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale weerar qarshaysan oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyeen isla goobtan lagu dilay ugu yaraan 8 askari oo Kenyaan ah.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa dardar xooggan geliyey hawl-galladii ay kaga soo hor-jeedeen soo-duulayaasha Afrikaanta iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:
https://t.me/+zMfhCR5C-M84MjU0