Taliska AFRICOM oo aqalka Wakiillada ee Maraykanka ka hor sheegay inuu awoodi waayay xakameynta awoodda Al-Shabaab.

Thursday June 12, 2025 - 13:18:31
Liibaan Jeexoow
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen. Michael E. Langley, ayaa Talaadadii lasoo dhaafay warbixin uu siiyey guddiga adeegga ciidamada ee Aqalka Wakiilada ee dalka Maraykanka ku sheegay in dagaalka adag ee ay kaga jiraan Geeska Afrika aanu haba yaraatee wax isbedel ah ku keenin awoodda sii bullaalaysa ee Jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Gen. Langley waxa uu si cad uga dhawaajiyey in xoogagga Al-Shabaab ay marba marka ka dambaysa kusii tallaabsanayaan horumar baaxad leh, isla markaana ay isku sii fidinayaan dhul hor leh, iyagoo si buuxda isu diyaariyey isla markaana qoranaya ayuu yiri dhalinyaro jihaad-doon ah oo aad u fara badan kuna qulqulaysa deggaannada ay maamulaan.

Waxa uu sarkaalkani walaac xooggan ka muujiyey awoodda sii bullaalaysa ee jhaadiyiinta, waxaanu xusay in xoogagga Al-Shabaab ay yihiin mid ka mida xarakooyinka ugu khatarsan adduunka ee waxa loogu yeero beesha caalamku ay faraha kaga gubateen, loodintiisana ay ka rajo-dhigeen.

Warbixinta uu Michael Langley ka hor-jeediyey Aqalka Wakiillada, ayuu sidoo kale kusoo hadal-qaaday hawl-gallada sii xoogaysanaya ee Al-Shabaab, waxaanu qiray in jihaadiyiintu ay dardar geliyeen weerarrada ay ku beegsanayaan shaqaalaha hey’adaha iyo xarumaha Maraykanka ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee taliska AFRICOM waxa kale oo uu carrabaabay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay haystaan khayraad aad u fara badan isla markaana ay si xor ah uga hawl-galaan gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo haatanna isu diyaariyey ayuu yiri xaqiijinta guullo hor leh.

Hadalka kasoo yeeray mas'uulkan ugu sarreeya ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa aad u khilaafsan sheegashooyinkii afka baarkiisa ahaa ee ka imaanayay madaxda kooxda Villa Somaliya, kuwaas oo ku hadaaqi jiray in ay soo afjarayaan jihaadiyiinta.

Kooxda Gurguurte ayay arrintani ku noqonaysaa fadeexad hor leh, iyadoo bishii shacbaan ee lasoo dhaafay ay xoogagga Al-Shabaab guluf dagaaleed ku furteen magaalooyin iyo deegaanno ka tirsan labada shabeelle iyo Hiiraan welina ay taqadum baaxad leh ka wadaan meelo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

https://t.me/+zMfhCR5C-M84MjU0 

https://t.me/+WQRCu-lg74hiMzU0



Related Items

Update cookies preferences