Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya hawl-gal qorshaysan oo xoogagga Al-Shabaab ay maanta ka fuliyeen nawaaxiga deggaanka Mooro-ari oo dhaca duleedka Moqokori.
Hawl-galkan ayaa lagu dilay ugu yaraan 7 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte, kuwaas oo looga cararay goobta dagaalka, halka 2 kalena lagu dhaawacay, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay.
Magacyada qaar ka mida maleeshiyaadka la khaarajiyey ayaanu helnay waxaanay kala yihiin Cabdullaah Cali Raage (Raafeey), Maxamed Cusmaan Dhicisow, Maxumed Cali Xaalle iyo Maxamed Cusmaan Cawaale (Lugaweyne).
Sidoo kale maleeshiyaadka hawl-galkan lagu dhaawacay oo magacyadooda aanu helnay ayaa kala ah Shuuriye Beenle, iyo Muuse Yuusuf Burureey.
Howl-galkan oo la sheegay inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay ayay dagaalyahannada Al-Shabaab kusoo furteen Laba qori oo noocyadoodu kala yihiin RPG iyo AK47.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: