Wararka ka imanaya dalka Hindiya ayaa sheegaya shil diyaaradeed oo goor dhawayd duhurkii ka dhacay magaalada Axmedabaad ee gobolka Gujuraat.
Diyaaraddan oo shirkadda Air India ay lahayd, kana kacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Axmed-abad, ayaa sida la xaqiiyey sidday dad gaaraya 242 qof, waxaanay ku dhacday agagaarka isla garoonka diyaaradaha ee magaalada Axmed-abad.
Shirkadda Air India ayaa sheegtay in diyaaraddu ay ku jihaysnayd magaalada London ee dalka Ingiriiska. Waxaanay boolisku xaqiijiyeen in ay ku dhacday goob ay deggenaayeen dad rayid ah oo ku dhow garoonka diyaaradaha.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa goor dhawayd warbixin horu-dhac ah oo warbaahinta uu la wadaagay ku sheegay in shilkaasi uu galaaftay nolosha dad aad u fara badan, walow tiro sugan aanu carabaabin.
Sida ay Reuters sheegtay 169 ka mid ah dadka rakaabka ayaa ahaa muwaadiniin u dhashay Hindiya, halka 53 kale ay ahaayeen Ingiriis, 7 qof oo kalena Burtuqiis (Portugal), halka sidoo kale 1 qofna uu ahaa Kanadiyaan.
Diyaaraddan oo nooceeda lagu sheegay Boeing 787-8 Dreamliner, ayay wararku tibaaxayaan in isla markii ay Runway-ga ka duushay soo dirtay digniin tilmaamaysa in ay jirto xaalad deg-deg ah, inkastoo wixii intaa ka dambeeyey wax jawaab ah laga waayay, Sida laga soo xigtay qaybta kantaroolka hawada ee garoonka Ahmedabad.
Muuqaallo la baahiyey ayaa muujinaya qiiq madow oo ka soo baxaya goobta uu shilku ka dhacay, iyadoo goob-joogayaashu ay warbaahinta u sheegeen in diyaaraddu ay ku dhacday dhismayaal la deggan yahay oo uu ka mid yahay dhisme hoy u ahaa saraakiil dhakhaatiir ah.
Sidoo kale waxaa laga dheehan karaa muuqaallada qaarkood, diyaaradda oo kusii hoobanaysa aag ay guryo ka dhisan yihiin, iyo weliba qaybaheeda dambe oo kasoo dhex jeeda burburka dhismaha, kaas oo ku dhow garoonka diyaaradaha.
Telefishinada wararka ee dalka Hindiya ayaa laga soo xigtay in diyaaraddu ay ku dul-dhacday meel lagu cunteeyo oo ku taal kulliyadda caafimaadka. Mana cadda ilaa hadda in arday caafimaad ay ku sugnaayeen gudaha dhismaha xilliga uu shilku dhacayay.
Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Axmed-abad ayaa sheegay in isla markiiba ay hakiyeen dhammaan howlaha duulimaadyada. Mana jirto cid la ogyahay oo haba yaraatee ka badbaaday shilkaasi sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Hindiya.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: