Ugu yaraan 8 qof ayaa dhintay, 22 kalena waa la la'yahay kadib markii la weeraray Doon ay saarnaayeen laguna khasbay inay ku degaan biyaha dhexdooda, gaar ahaan meel u dhow xeebaha Jabuuti, sida ay shalay shaacisay waxa loogu yeero hey'adda socdaalka ee Qaramada Midoobay.
Warbixinta IOM ayaa lagu sheegay in dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay qeyb ka yihiin 150 qof oo Doonta saarnaa, kuwaas oo kooxda weerarka geysatay oo ahaa mukhallasiinta wax tahriibiyaa ay ku qasbeen in doonta ay ka degaan oo ay u dabaashaan dhinaca xeebta.
Dadkii badbaaday ayaa laga soo daad-gureeyey saxaraha, waxaana la geeyey xarumaha gurmadka ee ku yaalla dalka Jabuuti, iyadoo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka dalkaasi iyo weliba kooxda IOM ay sheegeen in weli ay ku hawlan yihiin baadi-goobka dadka maqan.
Dalka Yemen ayaa inta badan marin u ah dadka ka taga Bariga iyo Geeska Afrika, kuwaas oo had iyo jeer u tahriiba dalalka Khaliijka, halka qaarkoodna ay siiba dhaafaan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: