AFRICOM: Ma ahan mas'uuliyadda Mareykanka in uu sii ahaado ilaaliyaha nabadda Afrika.

Saturday May 31, 2025 - 18:38:28
Liibaan Jeexoow
Markale taliska ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa ku celiyay in uusan sii wedi doonin taageerada ciidan iyo midda amni ee uu siiyo dowladaha dhaca qaaradda Afrika.
Mas'uulka ugu sarreeya ciidanka Mareykanka ee loo yaqaan AFRICOM ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka sheegay in uu sii idlaanayo waqtigii uu Mareykanku sii wedayay taageerada uu siiyo ciidamada Afrikaanta.

Jeneraal Michael Langley oo ah taliyaha AFRICOM ayaa taliyaasha ciidamada dowladaha Afrika kula hadlay magaalada Nairobi wuxuuna tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay marxaladihii ay soo martay taageerada Mareykanka ee dowladaha Afrikaanta isagoo walaac ka muujiyay in isbedello uusan Mareykanku jeclaysan ay ka dhacaan waddamo dhaca Afrika.

"Ma ahan mas’uuliyadda Mareykanka in uu sii ahaado ilaaliyaha nabadda Afrika, waxaa lajoogaa waqtigii uu dal walba mas’uuliyad iska saari lahaa ilaalinta amnigiisa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jeneraal Langley.

Taliyaha ciidanka Mareykanka ayaa si gaar ah u sheegay in ay dhimayaan wax uu ugu yeeray kaalmadii ay siin jireen dalal ay ku jirto Soomaaliya inkastoo ay sii xoogeysteen dagaalyahanada jihaadiga Al Shabaab waxaana xilligii uu hadalkan jeedinayay hareertiisa fadhiyay Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ah taliyaha maleeshiyaadka DF.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences