Farmaajo oo cambaareeyay weerarka Saldhigga Mareykanka ee Al-Cudayd.

Monday June 23, 2025 - 22:28:03
Liibaan Jeexoow
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa cambaareeyay weerarkii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ay u geysteen Saldhigga Ciidanka Mareykanka ee Alcudayd.
Farmaajo ayaa bartiisa X ku faafiyey qoraal gaaban oo uu ku canbaaraynayo hawlgalkii Iiraan

"Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarka gardarrada ah ee ka dhanka Qadar ee Iiraan fulisay. In la weeraro waddan nabad ah waxay ka dhigan tahay jabinta sharciga adduunka u yaalla” ayuu yiri Farmaajo

Maxamed C. Farmaajo iyo xukuumaddiisii hore ayaa xiriir la lahaa dalka Qadar halkaas oo uu illaa iminka ku nool yahay.

Related Items

Update cookies preferences