Wararka ka imanaya koonfurta dagalka Soomaaliya ayaa sheegaya hawl-gallo saacadihii lasoo dhaafay ay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Gedo.
Mid ka mida hawl-galladan ayaa ahaa dagaal culus oo habeennimadii xalay lagu miray xerada maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ee Xero Baraxow ee degmada Baardheere.
Sidoo kale isla habeennimadii xalay waxaa qarax culus lagu weeraray xarunta NISA ee magaalada Baardheere, waxaana jira khasaare kala duwan oo weli faahfaahintiisa aanaan helin.
Weerarradan ayaa kusoo aadaya xilli si weyn loo wiiqay maleeshiyaadka Gurguurte iyo weliba ciidamada shisheeye ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka.