Maxamed Abiib oo kamid ah xildhibaannada ugu caansan Gobollada Waqooyi Somaliland ayaa sheegay in muddo ka badan 30 maalmood uu xaalad caafimaad u yaalley cisbitaal ku yaalla Faransiiska.
"32 maalin oo aan ku jiray dhaqtar ku yaala Paris, shalay ayaan kasoo baxay xaaladda bukaan jiif oo aan muddadaa u jiifay cisbitalka, waxaanan 80 maalmood oo dambe ka sii ag dhawaan doonaa cisbitaalka si loola socdo xaaladdayda caafimaad.” Abiib
Maxamed Abiib ayaa in muddo ah ku sugnaa dalka Jabbuuti halkaas oo uu uga sii gudbay Faransiiska. Waxaana uu kamid ahaa dadkii aadka uga horjeeday madaxweynihii hore ee maamulkaas Muuse Biixi.
Waxa xusid mudan in Maxamed Abiib Guddoomiyaha Baarlamaanka SL iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ku soo oogeen maamuus ka xayuubin taas oo xildhibaannada Goluhu cod aqlabiyad leh ku diideen.