Hawl-gallo dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Afgooye iyo Muqdisho.

Sunday May 11, 2025 - 12:07:00
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya weerarro khasaare geystay oo ka kala dhacay Shabeellaha hoose iyo Banaadir.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maanta qarax culus la beegsaday fariisin ay maleeshiyaadka Gurguurte ku leeyihiin halka loo yaqaan Xero Agoonta ee degmada Afgooye. Waxaana jira khasaare soo gaaray maleeshiyaadka.

Sidoo kale Xoogagga Al-Shabaab ayaa habeennimadii xalay fuliyey hawl-gal ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee isla gobolka Shabeellaha hoose.

Hawl-galkan ayay wararku tibaaxayaan in lagu khaarajiyey askari dharcad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka sirdoonka kooxda Villa Somaliya.

Sawirka askarigan la dilay ayaanu soo helnay, sidoo kale waxaanu soo ogaanay magaciisa oo lagu sheegay Maxamed Shariif Gacal.

Waxa kale oo jiray hawl-gal kale oo qarax ah oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha Muqdisho, kaas oo lala eegtay gaari uu la socday mas’uul ka tirsan maamulka Banaadir.

Mas’uulka la beegsaday oo magaciisa lagu sheegay Jacfar, ayaa si dirqiya uga badbaaday qaraxaasi, kaas oo ah guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Dayniile.

Qaraxan oo ahaa mid culus ayaa lagu soo warramayaa in uu ku dhaawacmay guddoomiye-waaxeed ka tirsan Darusalaam iyo 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences