Xilli ay malaayiin qof muslimiin reer Falasdiin ah majaaco iyo duqeymo laayaan ah ugu dhimanayaan magaalada Qaza ayay qaar kamid ah dowladaha dawaaqiidda Carabta lacago balaayiin dollar ah hadiyad ahaan usiinayaan madaxda Mareykanka.
Xukuumadda dabadhilifka Qadar ayaa diyaarad qaalli ah hadiyad ahaan usiinaysa madaxweynaha Mareykanka mujrimka lagu magacaabo Donald Trump.
Sida ay faafisay shabakadda ABC News amiirka Qadar ayaa go'aansaday in uu hadiyad ahaan usiiyo Trump diyaarad qaali ah oo ah nuuca loogu talagalay in ay ku tamashleeyaan madaxda.
Diyaaraddan oo nuuceedu yahay Boeing 747-8 ayaa lagusoo iibiyay lacag dhan 400 Milyan oo Dollar halka qalabkeeda isgaarsiineed iyo midka ammaanka uu kabadanyahay nus milyan taas oo ka dhigan in qiimaha guud ee diyaaradda uu gaarayo 1 Bilyan oo Dollar.
Hoggaamiyaha Qadar ayaa lafilayaa in uu diyaaraddan si rasmi ah hadiyad ahaan ugu gacan geliyo Trump bishan gudaheeda kolkaas oo uu booqan doono magaalada Dooxa.
"Waa diyaaraddii ugu qaalisaneed ee abid hadiyad ahaan loosiiyo madaxweyne American ah tan iyo markii dhidibada loo taagay dowladda Mareykanka"ayaa lagu yiri warbixin ay faafisay ABC News.
Madaxda dabadhilifka Khaliijka ayaa addoomo u ah Mareykanka iyo xulufadiisa reer Yurub iyagoona hantida ay muslimiinta ka boobeen ugacan gelinaya gaalada.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram:https://t.me/+A6yAhA78F5llNDI0