Dawladda Maraykanka ayaa mar kale ku celisay diidmadeedii ku aaddanayd maal-gelinta hawl-galka isbahaysiga ciidamada Afrikaana AUSSOM, ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
Kulan fool ka fool ah oo dhawaan ay yeesheen wakiillo ka socday Midowga Afrika iyo Maraykanka ayaa fashil kusoo idlaaday, kadib markii Washington ay si cad u diidday maal-eglinta hawl-galka AUSSOM, sida ay xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed oo ay soo xigatay warbaahinta Africa Intelligence.
Go’aankan ayaa si buuxda u waafaqaya mawqifkii ay labo doblumaasi oo wakiil ka ah Maraykanku ku qeexeen kulankii dhawaan ka dhacay Uganda, iyagoo madashaasi si cad uga sheegay in maal-gelin dambe aanu siin doonin Maraykanku ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM.
Ciidanka Midowga Afrika ee hadda jooga Soomaaliya , loona xiray shaatiga cusub ee loola baxay AUSSOM, ayaa xaalkooda si weyn looga dayriyey, taas oo ay u dheer tahay dhibaato dhaqaale oo aad u daran oo haatan soo food-saartay.
Howlgalkan ayaa lagu soo warramayaa in loo xambaariyey deyn dhan 96 Milyan oo doolar oo isugu jirta mushaar la’aan iyo qaybo ka mida kharashaadka shaqada, iyadoo Mushahar dhowr bilood ah weli aan la siin ciidamada Afrikaanta, taasoo werwer iyo niyad-jab ku abuurtay calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram: https://t.me/+LX775Tf24bcyZjk0