Xiisada Hindiya iyo Pakistaan oo sii cakirmeysa kadib weeraradii dhacay saacadihii lasoo dhaafay.

Thursday May 08, 2025 - 15:22:53
Liibaan Jeexoow
Saacadihii ugu dambeeyey waxaa sii xoogeysanaya xiisadda u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan iyadoona gaartay heer aad u sareeya kadib markii ay Hindiya habeen ka hor qaaday weerar cirka ah oo ay ugu magac dartay Hawlgalka Sindoor kaasoo socday muddo 23 daqiiqo ah, ayna ku beegsatay ilaa 9 goobood oo ay sheegtay iney ku sugnaayeen kooxo ay ugu yeerto kuwa argigixiso ah.
Wixii ka dambeeyey weerarkaas Pakistaan ayaa sameysay falcelino weerar ah iyadoona ilaa hadda ay isa soo tarayaan hanjabaadaha ka imaanaya dhanka xukuumada Islama Bad iyadoona tirada dhimasho ee ka dhalatay dhanka weerarkii ay Hindiya fulisay ay gaartay ku dhawaad 30 ruux iyo dhaawaca 46 kale.

Xiisaddan ayaa si weyn qoob gariir ugu beertay waxay ugu yeeraan beesha caalamka maadaama labada dal ay haystaan hub nukliyeer ah, Khubaro ayaana ka digaya in dagaal toos ah oo ka dhax dhaca Labada dhinac uu sababi karo dhimasho dhimasho tiro beel ah.

Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo dalal kale ayaana ugu baaqay labada dhinac inay muujiyaan is-xakameyn iyo wada-hadal degdeg ah, midaas ayaana u muuqata wax aanan suuragal ahayn iyadoo wax lagu dhisanayo hadalada kasoo yeeraya khubarada miliatari iyo kuwa siyaasadeed ee caalamka.

Dadka ku nool gobolka lagu muransanyahay ee Kashmir ayaa bilaabay barakac, waxaana laga baqayaa in xiisaddan ay isu beddesho dagaal rasmi ah, Hindiya iyo Pakistan ayaana labaduba waxay sare u qaadeen heeganka ciidan taasoo muujinaysa halista dagaal ballaaran oo mar kale ka qarxa gobolka.

Xiisadda hadda waxay taagan tahay meel xasaasi ah, iyadoo mustaqbalka dhow uu ku xirnaan doono tallaabooyinka ay qaadayaan labada dowladood iyo cadaadiska caalamiga ah ee lagu saaro in la joojiyo xiisadda.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences