Magaalada Muqdisho waxaa shalay galinkii dambe ilaa iyo xalay ka da'ay roobab xoogan, oo geestay khasaare isugu jira mid nafeed iyo hantiyeed.
Muqaallo laga soo duubay wadooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa muujiyay, in ay biyaha roobka buux dhaafiyeen wadooyinka muhiimka ah ee isku xira magaalada.
Laamiyada qaar ayaa durbada waxaa xoray biyaha roobka, tasoo caqabad ku noqotay isku socodka dadka dagan xaafadaha kala duwan ee Muqdisho.
Roobabkaan ayaa geystay khasare nafeed iyo burbur hantiyeed. Dagamda Xamar-Jajab waxaa ku dhintay gabar iyo maamo ayeeyo u aheyd, kadib markii uu kusoo dumay gurigooda.
Dhanka kale Dagamada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa ku dhintay askari ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya iyo xoolo badan.
Meelaha uu roobka saameeyay waxaa ka mid ah, gegida diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ay biyo buux dhaafiyeen goobaha ugu muhiimsan, sida qeybta dadka lagu baaro, xarumaha shirkadaha, qeybta ay dadka musaafiriinta ah ku sugtaan diyaaradaha , iyo xafiisyo kale oo ku yaalla garoonka.
Dadka ku dhaqan Muqdisho ayaa waxaa ay eedeymo culus ujeediyeen kooxda Gurguurte, iyagoona ku eedeeyay iney ka qaado canshuuro xad dhaaf ah oo joogto ah, sidaas oo ay tahayna aysan waxba ugu qaban.