Waxa loogu yeero The Soufan Center loona soo gaabiyo (TSC) oo ah xarun cilmi-baariseed oo diiradda saarta arrimaha siyaasadda dibadda iyo la-dagaallanka jihaadiyiinta caalamka ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan kasoo if-baxayaan humaagyo caddaan ah oo lala barbar dhigi karo kuwii Afganistan oo kale.
Xaruntan uu aasaasay sarkaal ka tirsanaan jiray sirdoonka FBI-da Maraykanka, ayaa rajo-beel ka muujisay maleeshiyaadka kooxda riddada Soomaaliya, oo ay sheegtay in aanay awood u lahayn una babac dhigi karin weerarrada kaga imanaya xoogagga Al-Shabaab.
Daraasaddan ay samaysay TSC oo soo xiganaysa warbixin dhawaan lagu daabacay wargeyska The New York Times ayaa sheegtay, in qaar ka mid ah saraakiisha amniga ee maamulka Donland Trump ay ka walaacsan yihiin, in horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsanayaan dagaalyahannada Al-Shabaab ay sababto in albaabada la isugu dhufto safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho.
Warbixintu waxay xustay in jihaadiyiintu ay la wareegeen saldhiggii maleeshiyaadka Gurguurte ee deggaanka Wargaadhi, isla markaana waddo istaraatiiji ah oo isku xirta Muqdisho iyo gobollada dhexe ay qarka u saaran tahay in gebi ahaanba ay go’do, xilli maleeshiyaadka Villa Somaliya ay ku dhibban yihiin gaarista saldhigyadooda qaar, maadaama xoogagga Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan waddooyinka iyo xarumaha istaraatiijiga ah ee deggaannadaasi.
Daraasaddu waxay sheegtay in kooxda Villa Somaliya ay gebi ahaanba fashilantay, Maraykankuna uu faro maran ka joogo weerarradii tooska ahaa ee tobonnaanka sano uu ka waday Soomaaliya, taa bedelkeedana jihaadiyiintu ay sii xoogaysteen, isla markaana ay fuliyaan weerarro joogto ah oo ay ku naafeeyeen maleeshiyaadka Gurguurte iyo ciidamada Midowga Afrika, xilli geesta kalena maamulka Trump uu joojiyey dhaqaalihii isbahaysiga AUSSOM.
Machadka The Soufan Center wuxuu tilmaamay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay gaareen horumarro ballaaran oo isugu jira dhinaca farsamada, ciidanka iyo istaraatiijiyadda xilli uu muuqdo ayuu yiri isbarbardhig cad oo ku saabsan xaaladda haatan ay ku sugan tahay Somaliya marka loo fiiriyo xaaladdii Afghanistan, ka hor bishii Agoosto 2021, kolkaas oo maleeshiyaadkii Asharaf Gaani ay si degdeg ah u burbureen, jihaadiyiinta Daalibanna ay si fudud ula wareegeen dalka Afganistan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram:https://t.me/+LX775Tf24bcyZjk0