Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo qiray in xaaladdu ay ku xun tahay maleeshiyaadka Gurguurte.

Thursday May 01, 2025 - 14:14:56
Liibaan Jeexoow
Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo ahaa Wasiirkii hore ee gaashaandhigga kooxda Villa Soomaaliya Jabriil xaqiijiyay in maleeshiyaadkoodu ay ku jiraan xaalad adag kadib markii Jihaadiyiinta Al-Shabaab ay dhawaan cagta mariyeen talisyada ugu waaweyn ee DF Somaliya.
Ninkan oo dhawaan laga xayuubiyey xilka wasaaradda Gaashaandhigga, kadib markii maleeshiyaadka Gurguurte lagu feentay furimaha dagaalka, ayaa shaaciyey mar uu maanta xilkaasi wareejinayay in muddadii uu wasaaraddaasi joogay, ogaaday xaqiiqada taalla goobaha naf-waaga.

"Intii aanan noqon wasiirka Gaashaandhigga, waan dhaliili jiray ciidanka xoogga dalka, laakiin intii aan hayay xilka wasaaraddan, waxaan ogaaday in ciidanku ay xaalad adag ku haysato meelahaasi…” ayuu yiri Wasiirkii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga, mar uu maanta xilkaasi wareejinayay.

Jibriil ayaa maalmihii koobnaa ee uu xilka hayay waxaa dhacay macrakadii Aadan Yabaal ee lagu laayay boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka DF Somaliya, islamarkaana aheyd macrako haziimo weyn lagu gaarsiiyay kooxda Villa Soomaaliya.

Taliyaha guud ee maleeshiyaadka Gurguurte ninka la dhaho Odowaa Yuusuf Raage ayaa isna markii ugu horeysay isagoo diif badani ka muuqato goobtaasi xil-wareejinta kasoo muuqday tan iyo wixii ka dambeeyey maalintii uu kasoo firxaday dagaalkii ka dhacay Aadan Yabaal.

Odawaa oo taageerayaasha kooxda Villa Somaliya dhaxdeeda aad looga lacnadayo ayaan marna soo hadal-qaadin macrakadii Aadan Yabaal ee uu goob joogga u ahaa isla markaana uu cagihiisa uga fakaday rasaasta jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Waa markii labaad ee wasaaradda Gaashaandhigga wasiir cusub loo magacaabo muddo ku siman 40 maalmood gudahood, arrinkaas oo ka dhigan korodh ku yimi gebi-dhacleyntii Gurguurte tan iyo intii ay jihaadiyiintu kordhiyeen gulufka xooggan ee ay ka wadaan gobollada Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose iyo Hiiraan.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences