Wararka ka imanaya magaalada Garrowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay maleeshiyaad ka wada tirsan maamulka Puntland.
Dagaalkaan ayaa si gaar ah waxa uu u dhex-maray maleeshiyaad ka tirsan ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo booliska gobolka Nugaal.
Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in dhinacyadu ay in muddo ah ay iswaydaarsanayeen rasaas aad u xooggan.
Dhacdadaan ayaa timid kadib markii maleeshiyaadka ilaalada u ah gudoomiyaha baarlamaanka puntland ay diideen in ay hubka dhigaan.
Mid ka mid ah ilaalada gudoonka golaha baarlamaanka ee maamulkaasi ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay dagaalkaasi.
Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo mudooyinkii danbe amni-xumo baahsan ay ka jirto magaalada Garrowe oo xarun u ah maamulka puntland, todobaadkaan gudihiisa ayaana dad shacab ah ah lagu dilay isla gudaha magaaladaasi.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram:https://t.me/+LX775Tf24bcyZjk0