Diyaaradaha Yahuudda iyo Mareykanka oo duqeymo aan kala joogsi laheyn ka wada wadanka Yemen.

Thursday May 08, 2025 - 16:31:55
Liibaan Jeexoow
Wadanka Yemen waxaa weli ka socda duqeymaha laayaanka ah ee ay geysanayaan diyaaradaha Yahuudda iyo Nasaarada kuwaas oo beegsanaya goobaha danta guud iyo isku imaatinnada shacabka.
Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in maalintii 2aad oo xiriir ah ay Yahuuddu duqeymo culus ka geysanayaan inta badan magaalooyinka dhaca waqooyiga iyo galbeedka halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxaha Xuuthiyiinta ee xiriirka laleh dowladda Shiicada Iiraan.

Duqeymaha ugu culus waxay galabta ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Sanca iyadoona la arkayay qiic iyo uura madoow oo cirka isku shareeray bartamaha magaalada iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in duqeymaha oo ay geysanayeen inkabadan 20 diyaaradood ay ahayeen kuwii ugu culsaa ee bilahan ka dhaca wadanka.
Mandiqadda Arraxbah oo qiyaastii 15Km ujirta caasimadda Yemen ayaa laga maqlay jugta qaraxyo waaweyn kuwaas oo ka dhashay duqeymaha.

Mas'uul uhadlay hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ayaa usheegay wakaaladaha wararka iyo boqolaal qof shacab ah oo dhaawacmay ay dhigeen isbitaallada isagoo ka deyriyay xaaladda caafimaad ee wadanka.

Ben Yamiin Netenyaahu oo ah R/wasaaraha Yahuudda ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciiidamadiisa cirka uu amar kusiiyay fulinta duqeymo aan kala sooc laheyn.

Afhayeen u hadlay kooxaha Xuuthiyiinta ayaa isna xaqiijiyay in cadowga Mareykanka iyo Yahuudda ay shacab rayid ah ku xasuuqayaan magaalooyinka wadanka Yemen, isagoo dhaleeceeyay beegsiga isku imaatinnada shacabka sida isbitaallada iyo dekadda Alxudeyda.

Xuuthiyiintu waxay ku goodiyeen in ay sii wadayaan weerarada ay ugeysanayaan Yahuudda illaa shacabka Qaza ay helayaan ammaan.

Related Items

Update cookies preferences